Diyaarada Uganda Airlines oo duuilimaad ka bilowday Muqdisho

0
473

Diyaarada Uganda Airlines oo duuilimaad ka bilowday Muqdisho

Shirkadda duulimaadyada ee Uganda Airlines ayaa waxay duulimaadyo toos ah ka bilowday Magaalada Muqdisho, iyadoona toddobaadkiiba ay duulimaadyo ku kala bixin doono Muqdisho iyo Kampala.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Somaliya ayaa Garoonka Aadan Cadde kaga qaybgalay munaasabad lagu daahfuraayay duulimaadyada ay diyaaradda Uganda Airlines ka bilowday Caasimadda Muqdisho.

Uganda Airlines ayaa duulimaadyada ku bilaabi doonto Muqdisho iyo Kampala, haddii rakaabka uu soo kordhana ay isugu kala gooshi doonto goobo kale oo magaalooyinkaasi ka baxsan.

Tani ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli 22-kii bishii July ay Qatar Airways bilowday duulimaadyo toos ah oo ay isugu kala bixineyso Magaalooyinka Muqdisho iyo Doha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here