Diyaarada kasta oo ka timaada ama ku socota Kismaayo oo la amray inay Muqdisho soo marto

0
453

Diyaarada kasta oo ka timaada ama ku socota Kismaayo oo la amray inay Muqdisho soo marto

Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku saabsan in diyaaradaha ka yimaada kuna socda Kismaayo inay soo maraan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Go’aankan ayaa la xiriira hubinta iyo koontaroolka diyaaradaha ka dega Kismaayo, iyadoo kol hore maamulka Jubbaland uu soo saaray amar uu kaga mamnuucay diyaaradaha inay ka soo degaan garoonka Kismaayo, intii lagu guda jiray doorashadii Axmed Madoobe.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah howlaha la socodka Hawada Soomaaliya ee ay maamulkeeda gacanta ku heyso Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in go’aankan uu yahay mid lagu hubinyo dhaq dhaqaaqyada diyaaradaha ka dega Kismaayo oo aan waxba laga ogeyn.

Lama oga go’aankan inuu yahay qorshe la doonayo in lagu hakiyo caleema saarka Axmed Madoobe oo lagu wado inuu dhowaan ka dhaco Kismaayo, ayna ka qeyb geli doonaan wafuud ka socota dowlad goboleedyada, kuwa ka socda dalalka deriska, gaar ahaan Kenya iyo madax hore inay ka qeyb galaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here