Xiisad U Dhexeeysa Puntland Iyo Somaliland Oo Ka Taagan Gobolka Sanaag

0
522

Xiisad U Dhexeeysa Puntland Iyo Somaliland Oo Ka Taagan Gobolka Sanaag

Wararka naga soo gaaraya deegano ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaa saakay ay ka taagan tahay xiisad u dhexeysa Ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa Somaliland.

Dad ku sugan Gobolka Sanaag oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xiisadan ay timid kadib markii Somaliland ay geysay Ciidamo wata gaadiidka nooca dagaalka, deegaano ka tirsan Gobolkaas.

Intaasi kadib ayaa waxaa arrintaas ka war helay Ciidamo ka tirsan Puntland oo ku sugna qeybo kamid ah Sanaag,waxaana laga cabsi qabaa in dagaal uu Culus uu dhexmaro maamulada Somaliland iyo Puntland oo dhowr jeer oo horey uu dhexmaray dagaal.

Jimcihii la soo dhaafay ayaa Puntland ayaa waxaa ku biiray Taliyihii Ciidamada Somaliland ee Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag,waxaana Taliyaha Ciidanka Somaliland uu sheegay in Ciidankaas aysan waxba u qaban jirin maamulkooda,isla markaana 25-sanno ay Mushaaar iska qaadan jireen oo kaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here