Booliska Kenya oo xiray saraakiil si been abuur ah diiwaan galin dadweyne uga waday Wajeer

0
385

Booliska Kenya oo xiray saraakiil si been abuur ah diiwaan galin dadweyne uga waday Wajeer

Laamaha Booliska ee ismaamulka Wajeer ee gobolka waqooyi Bari Kenya ayaa xabsiga la dhigay kadib markii lagu eedeeyay in guryo been abuur ah ay diiwaan Galiyeen.

Gudoomiyaha dhanka amniga iyo nabadgelyada ee bartamaha magaalada Habaas Weyne ee koonfurta Wajeer iyo dhiggisa deegaanka laheleey ayaa xabsiga la dhigay isniinta maanta si baaritaano loogu Sameeyo.

Saraakiisha la xiray ayaa magacyadooda lagu sheegay Khaliif Siraat, Khaalid Maay, iyo Muusa Cabdi oo ah Cheifka waaxda Kumbi ee isla koonfurta Wajeer.

Haa waxaan xaqiijin karaa in la xiray sadexda sargaal oo lala xiriiriyay in tiro dadweyne oo been abuur ah ay diiwaan galinayeen, sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay gudoomiyaha amniga Wajeer Lyford Kibaara.

Dhanka kale madaxa amniga Wajeer ee gobolka waqooyi bari ayaa tilmaamay in ay ku raadjoogaan falalka ceynkani oo kale ah ayna ogolaan doonin in la diiwaan galiyo tiro aan sax Aheyn.

Arintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo dalka Kenya ay ka socoto tirakoobka dadweynaha oo 10 kii sano mar la Sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here