Diyaarado Hub Iyo Ciidamo Sida Oo Ka Degay Magaalada Dhuusamareeb

0
400

Diyaarado Hub Iyo Ciidamo Sida Oo Ka Degay Magaalada Dhuusamareeb

Wararka aan ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaa in saakay Garoonka diyaaradaha Magaaladaas ay ka degteen diyaarado siday hubka iyo Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wariyeyaal ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in mid kamid ah diyaaradaha ka degay halkaas ay waday hub farbadan,waxaana la socday Ciidamo ka tirsan dowladda,iyagoo la tilmaamay inay ka soo baxeen Magaalada Muqdisho.

Maalin kahor Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka degay diaayardo siday Ciidan badan,kuwaasi oo la wareegay Xarumo muhiim ah oo ku yaalla halkaas oo qeyb ay ka tahay Xarunta Madaxtooyadda Dhuusamareeb.

Sidoo kale Ciidamadaas ayaa la wareegay Xarunta lagu qabanayo Shirka dib u heshiisiinta Galmudug iyo ammaanka garoonka diyaaradaha,halkaasoo horay amnigiisa ay u sugayeen Ciidamada DANAB.

Dhawaan ayay aheyd markii hogaanka Ahlusunna Waljameeca ay ka horyimideen in Ciidamo ka socda dowladda Soomaaliya la geeyo deegaanada Galmudug,waxaana ay walaac xoogan ka muujiyeen Ciidamada lagu soo daabulayo  Magaalada Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here