Abuu Mansuur oo xabsigii uu ku jiray loogu bedelay xabsi guri

0
445

Abuu Mansuur oo xabsigii uu ku jiray loogu bedelay xabsi guri

Dowladda Somaliya ayaa waxaa ay xabsiga ka sii deysay Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), iyadoona ugu bedeshay xabsi guri.

Ninkan ayaa bishii December ee sanadkii hore laga soo qabtay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, iyadoo wixii xilligaa ka dambeeyayna uu ku xirnaa Xarunta Hay’adda Nabad Suggida ee Magaalada Muqdisho.

Mukhtaar Roobow Cali ayaa laga soo qabtay Magaalada Baydhabo, xilli uu ka waday olole uu ku doonayay in uu kaga qaybqaato Doorashada Madaxtinimada Koonfur Galbeed.

Abuu Mansuur ayaa Sabtidii laga sii daayay xabsigii uu ku xirnaa sideedii bilood ee la soo dhaafay, waxaana la dejiyay guri ku yaala xaafadda Cagadhiig ee Degmada Warta Nabadda. Ciidamada Dowladda Somaliya ayaa lagu wareejiyay suggida amniga ee hoygan.

Beesha Caalamka iyo Urur Goboleedka Igad ayaa door weyn ka qaatay sidii Abuu Mansuur xabsiga uu ku jiro loogu bedeli lahaa mid guri.

Dowladda Somaliya ayaa lixdii sano ee la soo dhaafay xabsi guri ku heysay Sheekh Xasan Daahir Aweys, Hoggaamiyihii hore ee Ururkii Xisbul Islaam.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here