Barack Obama oo ugu baaqay shacabka Mareykanka in ay diidaan madaxda dhiiri galineysa Naceyb-ka

0
509

Barack Obama oo ugu baaqay shacabka Mareykanka in ay diidaan madaxda dhiiri galineysa Naceyb-ka

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Mareykanka in ay iska diidaan hogaamiye yaasha kicinaya falalka ku saleysan Naceybka.

Qoraal uu ku soo qoray barta Twitterka ayuu ku sheegay in Mareykanka aysan dani ugu jirin madaxda baraarujineysa falalka isir naceybka uuna ka soo Horjeedo.

Obama ayaa qoraalkiisa cidna ku xusin walow uu u muuqdo mid ku socda madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Hadalka Obama ayaa imaanaya kadib toogasho habeenkii sabtida lagu dilay 29 ruux oo ka dhacay gobolada Ohio iyo Texas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here