Ammaanka Magaalada Muqdisho oo la adkeeyay iyo meydka Duqii Muqdisho oo Muqdisho la keenaayo

0
499

Ammaanka Magaalada Muqdisho oo la adkeeyay iyo meydka Duqii Muqdisho oo Muqdisho la keenaayo

Waxaa xiran saaka inta badan Isgoysyada Magaalada Muqdisho ee gaadiidka ay soo mari jireen, iyadoo wadooyinka Magaalada saaka ay marayaan kaliya Ciidamada dowladda gaadiidkooda.

Markii horeba Isgoysyada Muqdisho waxaa mari jiray kaliya gaadiidka Aqoonsi dowladeed kaliya wata, balse saaka xittaa waxaa la celinayaa gaadiidka wata Aqoonsiga dowladda.

Ciidamada ammaanka dowladda ayaa si wayn u adkeeyay wadooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana la soo dhigay Ciidamo hor leh oo amniga sugaya.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliya ayaa sheegay sababta loo xiray wadooyinka inay tahay in maanta Muqdisho la keenaayo maydka Allaha u naxariistee Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Marxuum Cabdi raxmaan Yariisow.

Yariisow ayaa la filayaa in Muqdisho loogu sameeyo aas Qaran oo ay ka qayb galayaan madaxda dowladda Federalka Somaliya, waxaana Magaalada Muqdisho ka socota qaban qaabada aaska Qaran ee Gudoomiye Yariisow loo sameynaayo.

Maydka Duqii Muqdisho ayaa la filayaa in saacadaha soo socda laga soo dajiyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here