Kuuriyada waqooyi oo tijaabisay gantaalo cusub una digtay koonfurta Kuuriya

0
570

Kuuriyada waqooyi oo tijaabisay gantaalo cusub una digtay koonfurta Kuuriya

Dowlada kuuriyada waqooyi ayaa tijaabisay gantaalkii sadaxaad mudo sideed maalin gudahood ah, sida laga soo xigtay saraakiisha milatariga kuuriyada Koonfureed.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo su,aalo laga weydiiyay arintaan ayaa sheegay in dhibaato ah uusan ku qabin tijaabada cusub oo ay sameysay xukuumada Pyongyang.

Laba gantaal ayaa saaka oo jimca ah waxay ciidanka amniga kuuriya waqooyi u tijaabiyeen dhanka bari ee badda, sida uu wakaalada wararka ee Yonhap u sheegay taliyaha ciidanka isku dhafka mareykanka iyo kuuriyada Koonfureed.

Sargaal kale oo diiday in magaciisa la xuso ayaa wakaalada wararka ee AP u sheegay in su,aalo badan la iska weydiinayo in gantaalahan ay yihiin kuwa Ballisticada ama ay ahaayeen kuwa ridada Dheer.

Kuuriyada waqooyi ayaa laga mamnuucay in ay tijaaabiso gantaalaha ballistic-da, kadib qaraar horay uga soo baxay golaha Amniga qaramada Midoobay.

Tijaabada cusub ee xukuumada Pyongyang ayaa waxaa aad u canbeereeyay gudiga nabed galyada midowga Yurub.

Trump oo ku guda jira ololihiisa dib u doorashada sanadka soo socda ee 2020-ka ayaa xilli uu ka baxayay aqalka cad warbaahinta u sheegay in ay arki doonaan in gantaalahan ay ahaayeen kuwa gaaban ama kuwa loogu tala galay in ay ku dhacaan meelaha Fog.

Quburada dhanka milatariga seol ayaa sheegay in laga yaabo in Pyongyang ay sii wado tijaabinta Gantaalaha.

Si kastaba ha ahaatee Kuuriyada waqooyi ayaa ku tilmaantay tijaabinta gantaalahan mid digniin u ah kuuriyada waqooyi oo qorsheyneysa in isbaheysi milatari ay la noqoto Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here