Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo loogu baaqay in uu iscasilo kadib fadeexadii wasiirka Maaliyada

0
560

Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo loogu baaqay in uu iscasilo kadib fadeexadii wasiirka Maaliyada

Dood xoogan ayaa waxay ka dhalatay fadeexada musuq maasuq ee lagu eedeeyay wasiirka maaliyada Kenya Henry Rotich oo maanta su,aalo lagu weydiiyay xarunta danbi baarista ee magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Agaasimaha dacwad soo oogaha guud mr Nuuradiin Xaaji ayaa amray goor sii horeysay ee saaka in la xiro wasiirka ka hor inta uusan wasiirkaan si iskiis ah u tagin xarunta danbi Baarista.

Mr Xaaji ayaa sheegay in uu gacanta ku hayo 27 danbi oo la xiriira qandaraasyo lagu dhisayay laba biyo xireen oo mr Rotich iyo xubnaha ka hoos shaqeeya ay ku lunsadeen malaayiin lacagta shilinka Kenya.

Taliyaha ciidanka Booliska Kenya George Kinoti ayaa sheegay in xubnahaan ay ku jiraan xabsiga ka hor inta aan la Maxkamadeyn.

Mr Rotich ayaa noqonaya wasiirkii ugu horeeyay oo Kenyaan ah oo loo xiro eedo musuq Maasuq.

Qandaraaska la lunsaday ayaa dhismihiisa waxaa qaatay shirkad lagu magacaabo CMC Di Ravenna oo laga leeyahay wadanka Talyaaniga.

Dhanka kale arintaan ayaa waxaa ka hadlay xubno ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Kenya kuwaasi oo sheegay in ay dowlada ka sugayaan in la xiro xubno kale oo uu ka mid yahay madaxa golaha aqalka sare mr (Kipchumba) Murkomen oo isna ka soo jeeda gobolka Rift Valley.

Xildhibaanka degmada Suba Mr John Mbadi ayaa ugu baaqay in uu xilka ka dego madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto maadaama uu lunsaday hantida qaranka Kenya.

Mr Joshua Kutuny oo isna ka tirsan mudanayaasha Kenya ayaa ka dalbaday Ruto iyo Murkomen in ay joojiyaan difaacida shaqsiyaadka ku lugta leh Musuq Maasuqa.

Tan iyo markii ay heshiiska nabadeed gaareen bishii sadexaad ee sanadkii hore ay gareen madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa dalka Kenya waxaa ku sii xoogeysanayay qilaafka u dhaxeeya Ruto iyo Kenyatta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here