Dowlada Ingariiska oo lagu dhaliilay midab-takoorka ay ku heyso dadka u dhashay Afrika

0
411

Dowlada Ingariiska oo lagu dhaliilay midab-takoorka ay ku heyso dadka u dhashay Afrika

Dowlada Ingariiska ayaa lagu eedeeyay in ay midab-takoor ku heyso muwaadiniinta u dhashay qaaradatan Afrika ee doonaya in ay siyaabo kala duwan ku tagan Uk.

Warbixin la soo saaray ayaa lagu sheegay in wasaarada arimaha gudaha UK ay sabab u tahay dhibaatada iyo midab kala sooca ay la kulmayaan dadyowga Afrika.

Waxyaabaha ugu weyn ayaa lagu sheegay warbixinta in ay tahay dhanka dhaqaalaha iyo in aan xil la iska saarin codsiyadooda ay ku dalbanayaan Vissaha Uk.

Kate Anoloue oo ah gudoomiyaha magaalada Enfield ee dalka UK oo ka hadashay arintaan ayaa sheegtay in aay aad uga walaacsan tahay habdhaqan wasaarada arimaha gudaha Ingariiska.

Ugu danbeyn warbixintaan ayaa lagu soo koobay in muwaadiniinta Afrika ay ku dhibtoodaan codsiga Visaha marka loo eegoo shacuubta kale ee ka soo jeeda dalalka kale ee Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here