Diblumaasi u dhashay Turkiga oo lagu dilay dalka Ciraaq

0
407

Diblumaasi u dhashay Turkiga oo lagu dilay dalka Ciraaq

Diblumaasi u dhashay Turkiga ayaa lagu dilay kadib markii laba nin oo dabley ah ay weerar ku galeen goob laga cunteeyo oo ku taal magaalada Irbil oo ay ku badan yihiin qowmiyada Kurdida ee degta dalka Ciraaq.

Saraakiil ka tirsan sirdoonka Turkiga ayaa sheegay in sadex ruux lagu toogtay goobta iyadoo laba nin oo mid ka mid ah uu ahaa diblumaasi ka howlgala qunsuliyada Turkiga ay ku Geeriyoodeen.

Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay Mas,uuliyada Weerarkaan.

Dhanka kale saraakiisha amniga Ciraaq ayaa sheegay in aysan garaneyn sababta ka danbeysa weerarkaan, balse dableyda wax soo weerartay kaliya ay garanayaan qorshaha ay ula danlahaayeen.

Turkiga ayaa dagaal adag kula jira kooxda kurdida ee ku sugan waqooyiga Ciraaq waxaana uu ku daray liiska waxa loogu yeero Argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here