Wararkii ugu dambeeyay ee weerarkii lagu qaaday hotel ku yaal magaalada Kismaayo

0
539

Wararkii ugu dambeeyay ee weerarkii lagu qaaday hotel ku yaal magaalada Kismaayo

Wararkii ugu dambeeyay ee weerarka lagu qaaday Hotel Cascasey ee magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in weli la maqlayo rasaas iyo qaraxyo.

Weerarkan oo ururka Alshabaab uu sheegtay ayaa waxaa laga soo badbaadiyay Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Federalka iyo kuwa Maamul goboleedka Jubbaland.

Xildhibaan Caana Nuug iyo Senator Iftiin Xasan Baasto ayaa ka mid ahaa Xildhibaanka Hoteelka laga soo badbaadiyay, waxaana hadda wali socda howlgalka badbaadinta.

Dabley hubeesan ayaa lagu soo waramayaa in weli ka dhax degaalamayaan dhismaha Hotelka la weeraray, waxaana Hotelka gaaray ciidamada maamulka Jubbaland oo isku dayay in ay weerarka soo afjaraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here