Ra’iisul Wasaare Kheyre oo lagu soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareeb

0
544

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo lagu soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareb ee Caasimada Galmudug.

Wafdiga oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa maanta diyaarad kasoo raacay Gaalkacyo iyaga oo ku tegay Magaalada Dhuusamareeb.

Garoonka Diyaaradaha magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa kusoo dhaweeyay madaxa Xukumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan,Wasiir dowlaha Arimaha Gudaha Dowlada federalka,Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Reer Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu joogo Dhuusamareeb waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Galmudug ee ku sugan halkaas, isaga oo kala hadli doona xaalada Galmudug iyo sida ay ku dhici laheyd doorasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here