Iiraan oo lagu eedeeyey iney ka dambeysey Weeraradii Maraakiibta Shidaalka

0
525

Iiraan oo lagu eedeeyey iney ka dambeysey Weeraradii Maraakiibta Shidaalka

Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo oo shir jaraa’id qabtay ayaa dalka Iiraan ku eedeeyay inay ka daMbeysay weerarro lagu qaaday shalay maraakiib shidaal oo mareyay Badda Cumaan ee Khaliijka.

Wuxuu sheegay inay Iiraan halis ku heyso ganacsiga shidaalka adduunka, isla markaana ay ka dambeyso weerrarada lagu qaaday maraakiibta shidaalka lagu qaadayo.

Mike Pompeo wuxuu caddeeyay in walaaca ay qabaan arrintan ay gaarsiiyeen Golaha Ammaanka Q/Midoobay, isla markaana haddii ay sii socdaan falalka Iiraan uu Mareykanku difaaci doono danihiisa iyo xulfadiisa Bariga Dhexe.

Xoghayaha Arrimaha dobadda Mareykanka ayaa sheegay in kooxda Iiraan ay taageerto ee Xuuthiyiinta Yeman ay weerarro ku qaadeen dalka Sacuudiga, wuxuu sheegay in Iiraan ay tahay mid ku adeeganeysa weerarro, halis gelinta amniga dunida iyo dhiig daadin.

Wax caddeyn sooma bandhigin Mike Pompeo, inkastoo uu eedeymo waaweyn u jeediyey dalka

Iiraan oo xiisad weyn ay kala dhaxeyso Maraykanka iyo xulufadiisa bariga dhexe, iyadoo Iiraan ay horey u beenisay eedeymaha Maraykanka oo ay ku tilmaantay kuwo lagu baneysanayo in dalkeeda lagu soo weeraro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here