UK oo sheegtay in ay xoojin doonto la dagaalanka Musuq-maasuqa Kenya

0
507

UK oo sheegtay in ay xoojin doonto la dagaalanka Musuq-maasuqa Kenya

Safiirka dalka Uk u matala Kenya Nic Hailey ayaa sheegay dagaalka lagula jiro musuq maasuqa Kenya laga adkaan doono hadii waaxyaha kala duwan ee cadaalada ay si wadajir ah u Shaqeeyaan.

Xilli uu ka hadlayay xaflad loo qabtay sanad guurada dhalashada boqorada UK oo lagu qabtay magaalada Nairobi ayuu mr Hailey ugu baaqay laamaha booliska dacwad soo oogida iyo garsoorka in ay la yimaadaan Wadashaqeyn.

Arintaan ayuu sheegay in ay xaqiijin karto sidii loola tacaali lahaa la dagaalanka musuqa hareeyay xafiisyada dowlada Kenya.

Badi waxaan ku arkaa dalka Kenya in hey,adaha dowlada uu mid midka kale ku eedeynayo wax ka qabashada Musuqa.

Dacwad soo oogidu waxay heysataa garsoorka booliska wuxuu isna leeyahay dacwad soo oogida waa in ay qabataa howl Wanaagsan.

Safiirka Uk oo warbaahinta kula hadlayay guriga uu ka degan yahay magaalada Nairobi ayaa sheegaynin dalkiisa uu isku dayi doono in Kenya uu kala shaqeeyo la dagaalanka Musuq Maasuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here