Ciidamada Liyuu Boolis oo Gobolka Hiiraan ka afduubtay 10 qof oo Beeraley ah

0
661

Ciidamada Liyuu Boolis oo Gobolka Hiiraan ka afduubtay 10 qof oo Beeraley ah

Ciidamo ka tirsan Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa 10 qof oo Soomaali ah ka afduubtay gobolka Hiiraan, kuwaasoo ahaa Beeraley, waxaana sidoo kale hore u sii qaateen 5 Gaadiid oo ah nooca loo yaqaano Cagaf Cagafta.

Arrintan ayaa ka dhacday Deegaanka Xuday Wagle Oo Qiyaastii 35KM dhanka Waqooyi Ka xiga Magaalada Baladweyne, waxeyna dadka ay afduubteen la aadeen Degmada Feer Feer oo ah Xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa Warbaahinta gudaha u xaqiijiyay tallaabadan, waxaana ay sheegeen in aysan garaneynin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa qafaalashada dadka Shacabka ahaa.

Madaxda dowladda iyo kuwa maamulka Hirshabelle ayay ka codsadeen dowladda Itoobiya inay kala hadlaan sidii loo sii deyn lahaa 10 qof ee la kaxeystay, dibna loogu soo celin lahaa Gaadiidka ay beeorhooda ku falanayeen.

Tan iyo markii uu maamulka dowlad deegaanka la wareegay madaxweyne Mustafe Cagjar, ma jirin Ciidamo Liyuu Boolis ah oo xadka ka soo gudba, dhibaatana u geysta dadka Soomaalida ah, balse mudadii uu talada maamulkaas hayay madaxweynaha xiran Cabdi Maxamuud Cumar ayaa si joogta ah Ciidankan u gumaadi jireen Shacabka degan aagga xadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here