Nin soo qarway oo xalay saqdii dhexe ka soo dhacay Dabaq ku yaalo Degmada Xamar weyne

0
510

Nin soo qarway oo xalay saqdii dhexe ka soo dhacay Dabaq ku yaalo Degmada Xamar weyne

Degmada Xamar weyne, ayaa xalay waxaa ka dhacay nin ka mid ahaa dadka deegaanka inuu soo qarway, kadibna uu ka soo dhacay Dabaqii uu deganaa.

Dhacdadan ayaa ka dhacday meel ku dhaw Hotelka Muna, dhisme ku yaallo waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in xalay 3:00 habeenimo uu ninkaan ka soo dhacay Dabaqa xilli uu qarwaayay.

Waxa uu ku soo dhacay dabaq kale oo ka gaaban dhismihii uu ka soo dhacay, taasi oo keentay inuu ka jabo laf dhabarta, waxaa kale oo bur buray qaybta midig ee jirkiisa.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay saaka aroortii dabaqa korkiisa isaga oo ka dul taahaya ninkaan in la maqlay, kadibna Gurmad loo fidiyay.

Waaxda gurmadka Dowladda hoose ee Gobolka Banaadir ayaa ninkaan gurmad deg deg ah u fidisay, islamarkaana gaysay mid ka mid ah Isbitaalka Gobolka Banaadir.

Dhacdadaan ayaa dadka si wayn baraha Bulshada ay ugu hadal hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here