Milatariga Suudaan oo xabsiga dhigay laba xubin oo ka tirsan Mucaaradka

0
471

Milatariga Suudaan oo xabsiga dhigay laba xubin oo ka tirsan Mucaaradka

Laba xubnood oo ka mid ah hogaanka sare ee mucaaradka Suudaan ayaa la xiray sabtida maanta ah kadib kulan ay saacado kadib la la qaateen Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed oo dalkaasi u jooga sidii xal nabadeed loo Gaari Lahaa.

Xubnaha la xiray ayaa kala ah Xoghayaha guud ee xisbiga dhaqdhaqaaqa xornima doonka waqooyi Ismaaciil Jallab iyo afhayeenka kooxaha hubeysan mr Mubarak Adol.

Mr Abiye ayaa Jimcihii shalay ku booriyay madaxda milatariga iyo xubnaha mucaaradka in gaaraan heshiis dimuquraadiyadeed oo dalkaasi Hormarin Kara.

.

Dalka Suudaan ayaa waxaa ku daatay dhiig fara badan kadib isku dhacyo u dhaxeeya dibadbaxayaasha iyo milatariga haya oo dib uga qarxay magaalada Khartuum.

Labada dhinac ayaa waxaa dhexmaray wadahadalo aan mira dhalin.

Hogaanka mucaaradka ayaa dalbanaya in lagu soo wareejiyo xukunka,balse Milatariga ayaa qaba in arintaan ay qaadaneyso Mudo.

Xaalada Suudaan ayaa laga deyrinayay tan iyo markii xilka laga tuuray bishii afaraad ee April madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here