Sarkaal 10 Sano Shabaab ka tirsanaa oo Jubbooyinka lagu qabtay

0
522

Sarkaal 10 Sano Shabaab ka tirsanaa oo Jubbooyinka lagu qabtay

Saraakiisha Ciidamada dowladda Federalka Somaliya ee Gobolka Jubbada hoose ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen Sarkaal ka tirsanaa Shabaab.

Sarkaalka la soo qabtay ayaa la sheegay muddo 10 sano ah inuu ka mid ahaa Shabaab, islamarkaana uu ka dagaalami jiray deeganada Jubbooyinka & Gedo.

Sarkaal u hadlay Ciidamada dowladda ee Gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegay in lagu guuleystay soo qabashada ninkaan Shabaab ka tirsan.

Waxa uu sheegay in Sarkaalkaasi ay qabteeen uu qayb ka ahaa dagaalkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo,waxaana Magaciisa lagu sheegay sarkaalkaas Ibraahim lujeende Maxamed.

Ma jirto ilo wareedyo ka madax banaan Saraakiisha Ciidamada dowladda ee Jubbooyinka oo xaqiijinaya in ninkaan uu ka tirsan yahay Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here