Qeybo ka mid ah Soomaaliya iyo Caalamka oo maanta laga ciiday maalinta koowaad ee Ciidul Fidri

0
520

Qeybo ka mid ah Soomaaliya iyo Caalamka oo maanta laga ciiday maalinta koowaad ee Ciidul Fidri

Qeybo ka mid ah Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka Islaamka ayaa maanta oo Arbaco ah laga ciiday maalinta koowaad ee Ciidul Fitri, kaddib markii shalay ay u aheyd Maalin Ramadaan ah.

Deegaano ka tirsan Galmudug ayaa maanta oo Arbaco ah laga ciiday, sida magaalada Dhuusa Mareeb, Guriceel iyo meelo kale, waxaana deegaanadaas ay ahaayeen meelaha shalay oo Talaado ah aan laga ciidan, balse ay u aheyd maalinta 29aad ee Ramadaan, maadaama bilowgii horeba aanay inta kale Soomaaliya iyo Dunida Muslimka aanay isku mar ula ciidan.

Sidoo kale dalalka Indonesia oo ah dalka ugu badan Muslimiinta, Malaysia, Masar, Pakistan, Australia, Japan iyo dalal kale ayaa maanta oo Arbaco ah laga ciiday maalinta koowaad ee Ciidul Fitri.

Shalay iyo maanta dalalka Islaamka ayaa si iskhilaafsan looga ciidayaa, iyadoo inta badan dalalka Islaamka ee shalay u aheyd maalinta koowaad ee Ciida ay maanta u tahay maalinta labaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here