Hotelka DusitD2 oo Al-Shabaab weerartay oo dib loo Furayo

0
565

Hotelka DusitD2 oo Al-Shabaab weerartay oo dib loo Furayo

Hotelka DusitD2 oo ku yaal xaafada Riverside ee magaalada Nairobi oo sanadkaan ay weerartay kooxda Al- Shabaab ayaa dib loo furi doonaa bisha August ee bartamaha Sanadkaan.

Dhismaha Dusit oo ay ku yaalaan xarumo ganacsi iyo xafiisyo ay leeyihiin hey,ado samafal ah ayaa waxaa burburiyay kooxda Al-Shabaab 15 Janaayo ee Sanadkaan.

Ciidamo ka tirsan Booliska Kenya ayaa la geeyay afaafka hore ee laga galo dhismahaan kuwaasi oo si loo xaqiijiyo Amniga Guud.

Waxaan ku dadaali doonaa wadiiqo kasta oo lagu xaqiijinayo amniga Suuqa iyo Hotelka, sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay agaasimaha xiriirka Isgaarsiinta suuqa DusitD2 Ravisada Angkeeros.

Suuqaan ayaa waxaa xarumo ku lahaa ku dhowaad 40 shirkadood oo laga leeyahay gudaha iyo dibeda Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa heysatay ku dhowaad 18 sacadood oo xiriir ah waxaana ay ku dileen 23 qof oo isugu jiray Kenyan iyo Ajaaniib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here