Booliska Puntland oo sheegay inay la wareegayaan goobaha ganacsiga ee Shabaab iyo Daacish laga kireeyo

0
501

Booliska Puntland oo sheegay inay la wareegayaan goobaha ganacsiga ee Shabaab iyo Daacish laga kireeyo

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland ayaa soo saaray digniin ku socota dadka ku nool deegaanadaas Maamulkaas, iyada oo looga digay inay xiriir la yeeshaan Al-Shabaab iyo Daacish.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Janeraal Muxudiin Axmed Muuse ayaa sheegay in uu digniin u dirayaan dadka Guryaha iyo goobaha Ganacsi ka kireynaya xubnaha ka tirsan Ururka Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish ee dagaalka kula jirto Puntland.

Waxa uu sheegay in goobahaas Ganacsi iyo Guryaha laga kireeya Al-Shabaab iyo Daacish la bur burin doono, islamarkaana Maamulka Puntland uu la wareegi doono.

“Waxaan u digayaa dadka guryahooda ay ku jiraan Burcad diimeedka, Burcad diimeedka dadka guryaha ku haayo, ka kireeya, mehrada ku haayo, mehrado badan & guryo badan maalmaha soo socda waa lala wareegayaa, guriga anigaa lahaa, ma ogeyn ma dhaceyso, waa lala wareegayaa Ciidan ayaa la dajinayaa, haddii aan rabnana cagaf ayaan marineynaa oo meel Ciyaalka ku ciyaaraan ayaan ka dhigeynaa.” Ayuu yiri Taliyaha Booliska Puntland.

Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, waxaa ka dhaca falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo ay gaystaan al Shabaab & Daacish oo ku sugan Magaalada gudaheeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here