Dibadbaxyo ka dhan ah Trump oo laga qaban qaabinayo UK

0
533

Dibadbaxyo ka dhan ah Trump oo laga qaban qaabinayo UK

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday duqa magaalada London Sadiiq Khan oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid ku fashilmay xilka uu Hayo.

Trump ayaa hadalkaan ku soo qoray barta uu ku leeyahay Twitter-ka saacado ka hor inta uusan ka dagin magaalada London oo booqasho sadex maalin ah uu ku qaadan Doono.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa tilmaamay in Khan uu wax ka qaban waayay falal danbiyeedyada ka dhacaya magaalada London halka dhiggiiisa Newyork Bill de Blasio uu shaqadiisa si wacan u Gutay.

Trump ayaa intaa raaciyay in UK uu ugu safrayo saaxiibtinimada mudada fog kala dhaxeysa Mareykanka oo uusan eegeyn hadalada Khan.

Dhanka kale magaalooyinka waaweyn sida London iyo Manchester ayaa waxaa ka socda qaban qaabada dibadbaxyo waaweyn oo ka dhan ah Donald Trump oo booqasho sadex maalin ah ay uga bilaabatay UK.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here