Mareykanka oo sheegay duqeyn ka dhacday Gobolka Bari in lagu dilay saddex Shabaab

0
528

Mareykanka oo sheegay duqeyn ka dhacday Gobolka Bari in lagu dilay saddex Shabaab

Mareykanka ayaa sheegay duqeyn ka dhacday Gobolka Bari ee deeganada Maamulka Puntland in lagu dilay xubno ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.

Sida uu sheegay Taliye Ku xigeenka ahna Agaasimaha Hawlgalada AFRICOM, Robert Huston, waxaa duqeyntaasi fuliyay diyaaradaha dagaalka ee dowladda Mareykanka.

Duqeynta ayaa lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen Al Shabaab, waxaana sida uu sheegay suuragashay in duqeyn lagu dilo saddex xubnood oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Duqeymaha Mareykanka uu fuliyo ayuu sheegay inay hoos u dhigeen awoodii buurnayd ee Shabaab ay ku weerari jireen xeryaha Ciidamada Amisom & kuwa dowladda Federalka Somaliya.

Duqeynta shalay ka dhacday Gobolka Bari waa tii 6aad oo ka dhan ah Al-Shabaab, Mareykankana uu ka gaysto sanadkan,waxaana weerarkii ugu darnaa ahaa kii 14kii April lagu diley hoggaamiye ku xigeenkii Al-shabab ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here