Ra’iisul Wasaare Kheyre oo soo xiray Imtixaanka Shahaadiga ee dowladda

0
528

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo soo xiray Imtixaanka Shahaadiga ee dowladda

Ra’iisul Wasaraaaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo uu wehliyo wasiirka waxbarashadda ayaa soo xiray imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka oo si guul iyo nabad-gelyo ah kusoo dhamaaday.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa booqday Xarunta Gaheyr ee jaamacadda umadda Soomaaliyeed oo kamid ah goobaha imtixaanku maalmahaan ka socoday si uu u ogaado xaalada ardayda gashay imtixaanka uguna dhiiri galiyo in ay sii wadaan heerarka kala duwan ee Waxbarashada.

Mr Kheyre ayaa ardayda Soomaaliyeed ee u soo dhabar adaygay waxbarashada u rajeeyey guul, waxa uuna  ku booriyey in ay dadaalka iyo dul-qaadka sii wadaan  si hogaamiyaasha dalka uga mid noqdaan.

Imtixaanka Shahaadiga ah oo sannadkaan ay ka qayb galeen  31,258 arday ayaa waxa uu si isku mid ah uga socday magaalada Muqdisho iyo goballada dalka laga soo billaabo 27/05/2019.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here