Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Shirka degdega ah ee Madaxda Carabta+SAWIRO

0
485

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Shirka degdega ah ee Madaxda Carabta+SAWIRO

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay Shirka degdega ah ee Hoggaamiyeyaasha jaamacadda Carabta uu isugu yeeray Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis, kaasoo looga hadlayay xaaladaha ka taagan Gobolka iyo dalalka Carabta.

Kulankan oo xalay ka dhacay magaalada barakeysan ee Makkah Al-Mukarama ayaa waxaa ka qeyb galay 22-ka dal ee ku mideysan yihiin Ururka Jaamacadda Carabta.

Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis oo shirka furay ayaa ka hadlay xaaladaha ka jira Gobolka, caqabadaha, xaalada Yemen iyo dagaalka Argagixisada, waxaana Sacuudiga uu walaac ka muujiyay Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo bilaabay weeraro ay ku qaadayaan dhuumaha iyo maraakiibta shidaalka.

Sidoo kale Boqorka Sacuudiga ayaa ka hadlay caqabadaha ay dalalka Khaliijka kala kulmayaan Iiraan iyo taageerada ay u fidiso Xuutiyiinta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda ka qeyb galay shirka oo uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalka Qatar.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan la qaatay Boqorka Sacuudiga iyo Dhaxalsugihiisa, iyagoo ka wada hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan xiriirka labada dal, xaalada Gobolka iyo arrimo kale.

Waxaa kaloo Madaxweynuhu la kulmay Hoggaamiyaha Ciidanka Milateriga ee la wareegay talada dalka Sudan, iyagoo ka wada hadlay arrimo kala duwan oo xiriirka iyo saaxibtinimada labada dal ka dhaxeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here