Theresa May oo ku dhawaaqday in xilka ay ka dagi Doonto

0
542

Theresa May oo ku dhawaaqday in xilka ay ka dagi Doonto

Ra’isul wasaaraha UK Ms Theresa May ayaa ku dhawaaqday in ay iska casishay xilka hogaanimo ee xisbiga Conservative iyo hogaanka talada UK.

Arintaan ayaa loo sababeynayaa kadib dadaalo fara badan oo ay u gashay ka bixitaanka midowga Yurub oo ay ku fashilantay in baarlamaanka ay meel Mariyaan.

Jimcahaan maanta ayaa war ka soo baxay xafiiska Theresa May lagu shaaciyay in 7 bisha soo aadan ee June ay hogaanka xisbiga Isaga dagi Doonto.

Ms May ayaa sii heyn doonto xilka Ra’isul wasaaraha oo ay simi doonto mas’uulka xiga ee talada kala Wareegaya.

Dhanka kale waxay sheegtay in wax wanaagsan ay qabatay si UK ay uga baxdo midowga Yurub dadaalo badanna ay u Gashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here