Faransiiska: Jenaraal Khaliifa Haftar ma joojin doono dagaalka uu ka wado magaalada Tripoli

0
591

Faransiiska: Jenaraal Khaliifa Haftar ma joojin doono dagaalka uu ka wado magaalada Tripoli

Jenaraal Khaliifa Haftar oo hogaamiya Maleeshiyaadka ku sugan Bariga Liibiya ayaa meesha ka saaray heshiis xabad joojin ah oo ka hirgala dalka Liibiya.

Arintaan ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay saraakiil ka tirsan madaxtooyada Faransiiska.

Dalka Liibiya oo ku yaal waqooyiga Afrika ayaa waxaa uu madaxa kula jiraa dagaal sokeeye tan iyo markii sideed sano ka hor xilka laga qaaday madaxweynihii geeriyooday ee Mucammar Al-Qadaafi.

Jenaraal Khaliifa ayaa weerar ku qaaday bilowgii bishii April magaalada caasimada ah ee Tripoli oo xarun u ah dowlada caalamka aqoonsan yahay ee uu hogaamiyo ra’isul wasaare Fayez Al-Siraaji.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo taageero u ah dowlada Liibiya ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah dagaalka uu u joojiyo Khalifa Haftar oo hogaamiya maleeshiyada ku sugan Bariga Liibiya.

Balse qaar ka mid ah wadamada midowga Yurub ayaa bogaadiyay dagaalka uu wado Haftar ee ka dhanka ah waxa loogu yeeray kooxaha Argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here