DEG DEG : Maxkamada Gobalka Maroodi Jeex Oo Saaka La Keenay Xildhibaan Dhakool+Gudoomiyaha Maxkamada Oo Khalad Ku Tilmaamay Xadhiga Xildhibaanka

0
702

Maxkamadda gobolka Maroodijeex Oo Xadhiga Xildhibaan Dhakool Ku tilmaamtay in uu Sharci-daro yahay:

Waxa saaka Maxkamadda gobolka Maroodijeex la horkeennay Xildhibaan Dhakool oo ka tirsan Mudanayaasha aqalka Wakiillada oo habbeen hore ay Ciiddammada Boolisku Xabsiga u taxaabbeen.
Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex Cabdi Qawdhan ayaa ganafka ku dhuftay Dacwaddii lagu soo ooggay Xildhibaan Dhakool, waxaannu sheegay inaanu Xadhiga Xildhibaan Dhakool sharciga khilaafsan yahay, maaddaama aan Xasaannada laga qaadin.
Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodijeex Cabdi Qawdhan waxa kale, oo uu sheegay inaanay Maxkamaddu dhagaysanayn eeddaymaha loo haysto Xildhibaan Dhakool ilaa inta golaha Wakiilladu ay ka fadhiisanayaan, isla markaanna ay Xasaannada ka qaaddayaan, hase yeeshee imika Xadhigiisu uu Sharci-daro yahay, waxaanna dib loogu celiyay xarunta CID-da ee Caasimadda Hargeisa.
Halkan Hoose Ka Daawo:
https://www.youtube.com/watch?v=VFWvyL9pp5I

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here