Itoobiya oo martigelinaysa Shir ay ku wada hadlayaan Dowladda Somaliya iyo Somaliland

0
497

Itoobiya oo martigelinaysa Shir ay ku wada hadlayaan Dowladda Somaliya iyo Somaliland

Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa la filayaa in dhawaan lagu qabto shir ay ku wada hadlayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, kaas oo ay martigelinayso dowladda Itoobiya.

Abiy Axmed Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqay in nabada Soomaaliya ay dan ugu jirto deganaanshaha wadamada Geeska, sidaas daraadeedna Itoobiya iyo Odayaasha Dhaqanka soomaalida ay qeyb weyn ka qaadan doonaan wada hadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Itoobiya ayaa haatan waxaa ay jawaab ka sugeysaa wafdi ka socda Midowga Yurub oo dhawaan tegay Hargeysa lana kulmay Madaxda Soomaaliland, kuwaas oo bixinaya dhaqaalaha ku baxaya wada hallada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale sheegay in uu fulinayo balan qaadkiisii ahaa in uu ka qayb qaadan doono Nabada Wadamada Geeska, islamarkaana uu doorweyn ku yelanayo wada hadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland ee la filayo inay ka qaabsoomaan Addis Ababa.

Tan iyo markii Soomaliya loo doortay in uu Madaxweyne ka noqdo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa jiray isku-dayo la doonayay inay ku furmaan wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland, hayeeshee ay fashilmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here