Shirka Guddoonka Baarlamaanka Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo ka furmay Garowe

0
480

Shirka Guddoonka Baarlamaanka Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo ka furmay Garowe

Waxaa goor dhow magaalada Garowe ka furmay shir ay leeyihiin Guddoonka Baarlamaanka Federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaasoo looga hadlayo iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa labada dhinac.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Mahad Cabdalle Cawad ayaa shirka furay, waxaana uu ka hadlay muhiimadda ay leedahay wadajirka, iskaashiga iyo dhameystirka Dastuurka.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Puntland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle, Jubbaland, iyadoo aanay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug uusan shirkaas ka qeyb galeyn, sababo u muuqata khilaafka maamulkaas iyo Labada Guddoomiye Baarlamaan ee kala fadhiya Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa shirkan ayaa ka dhawaajiyay in loo baahan yahay in la xaliyo khilaafka Galmudug iyo kan u dhaxeeya Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Waxaa la filayaa in gabagabada shirka laga soo saaro war murtiyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here