Suniel Shetty Oo Digniin Cad Lasiiyay Inuusan Soo Fara Gashan Filmka Gabadhiisa Athiya Shetty Atiriishada Katahay

0
977

Suniel Shetty Oo Digniin Cad Lasiiyay Inuusan Soo Fara Gashan Filmka Gabadhiisa Athiya Shetty Atiriishada Katahay

Bollywood Action Hero Suniel Shetty ayaa dhibsadeen sido kalena ka dacwoodeen kooxda Filmka Motichoor Chaknachoor ee gabadhiisa Athiya Shetty atiriishada ka tahay sido kalena Nawasuddin Siddiqui wax ka hogaaminaayo mashruucan.

Suniel filmka wax shaqo ah kuma lahan jilin ahaan, qarash gareen ahaan iyo Director-nimo ahaanba balse waa aabo jecel in gabadhiisa la jaan qaado atiriishooyinka asaageeda ee Bollywoodka kujiraan hormarna ka gaarto Bollywoodka.

Waxaa la sheegay inuu xili walba booqdo goobta filmka lagu duubayo habka wax usocdaana indha indheeyo sido kalena muuqaalada gabadhiisa filmka ku leedahay ayuu kontorool ku sameynaayey igsaoo kooxda ku amraayo in muuqalada loo kordhiyo.

Shaqadooda ayuu toos u fara gashay xitaa qolka filmada lagu faaf reebo, xayeysiinta filmka, doorka gabadhiisa iyo waxyaabo kale ayuu fara gashtay arinkaan waxaa ka xumaadeen una dulqaadan waayen kooxda mashruucan qaasatan qarash gareeyaasha filmka Rajesh iyo Kiran Bhatia waxayan dhaheen iyagoo ka dacwoonayaan Shetty.

“Suneil xaq umalaha inuu ka hadlo ama soo fara gashto howsha filmkeena dhan walbe ahaato sida faaf reebida muuqaalada, xayeysiintiisa, dadka jilayaan doorarka sidee u kala weyn yihiin iyo wixii lamid ah xaq uma lahan si dad ban iyo si toos ahba midna inuu howsheena kusoo fara gashto.

Suniel oo arinkaa wax laga weydiyay waxuu yiri isagoo qoslaayo,”hadder kuma haboona inaan ka hadlo sheekadan waqtigeeda ayaan ka hadli doonaa.”

Src :Filimside

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here