Akhriso: Liiska Wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre ee u ambabaxaya Washington

0
726

Akhriso: Liiska Wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre ee u ambabaxaya Washington

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa inuu u ambabaxo magaalada Washington ee dalka Mareykanka, halkaasoo uga qeyb galayo shirka Miiska wareegsan ee ay soo qaban qaabiyeen Bankiga Adduunka iyo Hey’adda IMF.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa berri oo Axad ka ambabaxaya magaalada Muqdisho, si 8-da bishan oo ku beegan Isniinta u gaaraan Washintong, waxaana booqashadooda qaadan doontaa muddo todobaad ah.

Kulamo guud iyo mid gaar ah ayay la yeelan doonaan Madaxda Bankiga Adduunka, IMF, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka oo qaabilsan dhinaca Ammaanka iyo xubno kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmi doono La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Donald Trump John Bolton, kaasoo noqonaya Mas’uulka ugu heerka sareeyay ee ay kula kulmayaan Washington.

Liiska wafdiga Ra’iisul Wasaaraha u raacayo Washington oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa waxaa ka mid Wasiirada Maaliyadda, Qorsheynta, Kusimaha Taliyaha NISA, La Taliyaha Amniga Madaxweyne Farmaajo iyo xubno kale.

Inkastoo aan si rasmi ah u xaqiijin karin in liiskan uu yahay midka kama dambeysta iyo in kale ayaa hadana ilo wareedyo ay heshay Jowhar.com waxaa loo xaqiijiyay in xubnaha qaar ee magacyadooda ku jira liiska ay yihiin kuwo horay loogu dalbay dal ku galka Mareykanka.

Halkan hoose ka akhriso Liiska:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here