Daraasad: Cunista Basbaaska Waxaa Laga Helaa Cimri Dherer

0
1176

Daraasad: Cunista Basbaaska Waxaa Laga Helaa Cimri Dherer

Cilmibaarisyo ay sameeyeen culumada jaamacadda Harvard oo kaashanaya dhakhaatiirta isbitaalka haweenka ee Brigham, ayaa soo saaray natiijada daraasad ay ka sameeyayeen cunista basbaaska oo la ogaaday iney kordhiso fursadaha uu qofku muddo dheer ku sii noolaan karo.

Daraasaddan ayaa waxaa ka qeybgalay 487-kun oo qof oo da’doodu u dhaxeyso 30-79 sano, socotayna muddo 7 sano ah oo lagu dhex waday  barnaamijka cilmibaarista waddaniga ah ee dalka Shiinaha.

Intii ay daraasaddani socotay waxaa la diiwaangeliyay in 20-kun oo qof ay geeriyoodeen, waxaana daraasaddan lagu ogaaday in dadka basbaaska sida joogtada ah u cuna heerka cimirgoodu uu kordhay 12-14 %, marka loo barbardhigo asaagooda kale ee aan basbaaska isticmaalin.

Khubaradani waxey aaminsan yihiin, in basbaaska raashinka lagu darsado  ay yareyso khatarta geerida inuu qofku u dhinto kansarka, cudurrada wadnaha iyo xididada dhiigga, iyo weliba mushkiladaha neef mareenka.

Harvard Health

@HarvardHealth

Spicy foods associated with longer life, Harvard researchers find: http://hvrd.me/WgHhf 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here