Meydadka Labo ruux oo la gowracay oo saaka lagu arkay duleedka Marka

0
761

Meydadka Labo ruux oo la gowracay oo saaka lagu arkay duleedka Marka

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ayaa sheegaya in labo qof oo shacab ah lagu gowracay inta u dhaxeysa Janaale iyo Buufow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida ay sheegayaan wararka labada qof ee la dilay waxay si qarsoodi ah raashin ku gelinayeen magaalada Marka, iyagoo adeegsanayay gaari gacmeed jiidayay Dibi, maadaama gaadiidka waa weyn la gubayo, hadii wadada lagu arko, iyagoo raashin galinaya magaalada Marka.

Qof kamid ah dadka ku sugan magaalada Marka ayaa soo sheegaya inay saaka arkeen duleedka magaalada meydka labada qof oo la gowracay, kuwaasoo Caan ka ahaa magaalada, waxaana la sheegay in falkan ay geysteen Al-Shabaab.

Meydka labada qof ee la dilay ayaa saaka la qaban qaabinayaa sidii loo aasi lahaa, iyadoo cabsi ay soo wajahday dadka leh Gaari Dameerada iyo kuwa lagu jiido Dibiga ee Raahsinka ku galiya magaalo xeebeeda Marka.

Al-Shabaab ayaa go’doon geliyay magaalada Marka, iyadoo nolosha dadka ay ciriiri ku noqotay, isla markaana qiimaha maciishada ay sare u kacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here