Inta badan Waddooyinka Muqdisho oo saaka xiran iyo Ciidamo wata gaadiidka dagaalka…

0
666

Inta badan Waddooyinka Muqdisho oo saaka xiran iyo Ciidamo wata gaadiidka dagaalka…

Inta badan waddooyinka halbowlaha u ah isu socodka magaalada Muqdisho ayaa saaka oo Sabti ah xiran, iyadoo la dhigay Ciidamo ka tirsan Booliska, kuwaasoo wata gaadiidka dagaalka.

Ciidamada ayaa xiray isgoysyada sida Tarabuunka, Zoobe, Banaadir, Dabka iyo kuwa kale oo isku xira jidadka Wadnaha iyo Maka Al-Mukarama, waxaana wadada bartankeeda lagu jaray gaadiidka dagaalka.

Waddooyinka qaar ayaa xalay lagu jaray dhagxaan hor leh, waxaana dhagxaanta la dhigay qeybo ka mid ah degmada Hodan.

Dadka reer Muqdisho ayaa saaka ku soo toosay waddooyinka xiran, waxaana dadka ahaayeen kuwo lugeynaya, sidoo kale ciidamada ayaa feejignaan gaar ah laga dareemayay.

Xirnaanshaha Waddooyinka ayaa loo sababeynayaa xaalad amni, iyadoo maanta oo Sabti ah uu Baarlamaanka Federaalka uu kulan ku yeelanayo Xarunta Golaha Shacabka.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay qaraxyo, iyadoo ammaankana uu gaaray heerkii ugu xumaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here