Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta yeelanaya kulankii ugu horeeyay ee Kalfadhiga Shanaad

0
557

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta yeelanaya kulankii ugu horeeyay ee Kalfadhiga Shanaad

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaruntooda ku leh fadhiga 1-aad ee Kalfadhigooda 5-aad.

Golaha Shacabka waxaa maanta hortagaya Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyaga oo horgeynaya Xogta dib u eegista dastuurka.

Waxa ay warbixin guud siinayaan Golaha Shacabka, taas oo ku saabsan mudadii ay fasaxa ku maqnaayeen shaqadii ay ka qaybteen Cutubyadii ugu danbeeyay ee Dastuurka KMG ah ee dalka.

20-kii bishaan Guddiga Arrimaha Dastuurka oo ay wehliyaan Guddoonka Golaha Shacabka ayaa la kulmay Xubno ka socday Qaramada Midoobe oo ay kala hadleen dib u eegista Dastuurka iyo in la qabyo tiro.

Waxaana ka horeeyay in Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Federalka ay Guddiga Madaxa banaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta dastuurka u gudbiyeen Cutubyada kala ah 10-aad, 11-aad, 13-aad, 14-aad iyo 15-aad si ay usoo hagaajiyaan, dibna ugu celiyaan Guddiga u dhiibay ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha Somaliya ayaa Arbacadii la soo dhaafay furay Kalfadhiga Golaha Shacabka Somaliya, kadib laba bilood oo Xildhibaanada fasax ay ku maqnaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here