Gen Indho-Qarshe”Dowlada Soomaaliya waxa ay go’aansatay in la sameeyo ciidamo tiro kooban.”

0
520

Gen Indho-Qarshe”Dowlada Soomaaliya waxa ay go’aansatay in la sameeyo ciidamo tiro kooban.”

Taliyaha ciidamada xooga dalka Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay go’aansatay in la sameeyo ciidan tiro kooban oo loo sameeyo qorshe sax ah.

General Indho-Qarshe Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo la hadlayay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa ku tilmaamay ciidamada gadoodka ku jira  kuwo aan damiir lahayn.

“Mustaqbalka ciidanka ayaan u soconaa, dowladda waxay u socotaa mustaqbalka ciidanka, aad ayaana ugu amaanayaa go’aanka ay qaadatay dowladda, waxaan ogahay inta mudaaharaadeyso inay lumi doonaan, waxaana hubaa kan aan damiirka laheyn,qabiilku dilooday, tuuganimada dilootay, waxaan hubaa inuu ka baxayo ciidanka”.

Taliyaha ciidamada xooga dalka ayaa sheegay in go’aanka dowladda Soomaaliya qaadatay uu yahay mid wanaagsan oo lagu hagaajinayo ciidamada saxda ah ee dalka uu leeyahay.

“Ciidanka wuxuu u baahan yahay xero in loo sameeyo, ciidanka wuxuu u baahan yahay inay helaan tababar wanaagsan, sidee qorshe loogu sameynayaa hadaan tiradiisa la ogeyn”.ayuu yiri Indhaqarshe.

Taliye Indhoqarshe ayaa ku tilmaamay ra’iisul Wasaare Kheyre geesi gaaray go’aan adag jecelna in dalku uu yeesho ciidan wanaagsan.

Waxaa weli taagan gadoodka ay sameeyeen qaar kamid ah ciidamada xoogga dalka ee gobolada Sh/hoose iyo Sh/dhexe kuwaasoo ka cabanaya mushaar iyo raashiin aysan helin muddo afar bilood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here