Madaxweyne Muuse Biixi Ma Awoodii Ayuu Ka Qaaday Golihiisa Wasiirada?

0
550

Madaxweyne Muuse Biixi Ma Awoodii Ayuu Ka Qaaday Golihiisa Wasiirada?

Hargeysa(Dalmar-News):-Tan iyo wakhtigii uu xukuumadiisa ku dhawaaqay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxay dhaliilo uga imanayeen tayada wasiirada uu magacaabay iyo wax qabadka laga filan.

 

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa marar badan loogu baaqay inuu isbadal ku sameeyo wasiirada uu xukuumadiisa ku soo daray iyo habka saami qaybsi ee uu u dhisay, taas oo aan ilaa hada madaxweynuhu waxba ka fulin.

Sidoo kale waxa muuqata in mudo sanad iyo dheeraad ah ka dib aanay xukuumadu hirgelin wax qabadkii laga sugayey iyada oo ay soo wajaheen caqabado badan oo hor istaagay.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa lagu tilmaamay inuu ka mid yahay caqabadaha ka horyimid wax qabad ay xukuumadiisu hirgeliso, waxaana la tilmaamaa inuu awooda ka qaaday wasiirada uu magacaabay isaga oo ku war geliyey inaanay qaadi Karin talaabo aanu ogayn isla markaana xadi go’an u dajiyey lacagaha ay ka saari karaan baanka.

Xoghayaha xidhiidhka islaamka iyo wadamada carabta ee xisbiga Waddani Axmed Safiina ayaa isagu qaba in madaxweynuhu caqabad ku yahay wasiiradiisa isla markaana hortaagan yahay wax qabadkii laga filayey, isaga oo ugu baaqay inuu awooda u fasaxo.

Xoghaye Axmed Safiina ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yidhi :-

Madaxwayne Muuse biixi cabdi xildiid anigoo ixtiraam u haya shakhsiyadaada gaarka ah ileen madaxwayne ayaad noo tahaye, hadana waxa aan odhan karaa intii madaxwayne dalka soo martay waxa aad tahay madaxwaynihii u maamul ka liitay una cadaalad xumaa.

Shantii sano ee dalka laguu dhaariyay sanad iyo badh way tagtay, sanadka u dambeeyaa waa olole, labada sano ee kuu hadhay marka jimcayaasha laga reebo waa iska bilo kooban.

Wasiirada iyo masuuliyiinta xukuumadaada xakamaha aad kuhayso ka sii dalka ha u shaqeeyaane, bulshada dalka iyo shacabka maqal oo hagaaji kolay dhawaan adoo cod doonaya waad hor imane.

Ugu dambayn waari mayside war hakaa hadho.

Si kastaba ha ahaatee madaxweyne Muuse Biixi ayaa lagu eedeeyaa inuu magacaabay wasiiro aan khibrad badan lahayn kuwaas oo aan hirgelin Karin wax qabadka laga sugayo xukuumadiisa.

Dhinaca kale waxa joogto noqotay inay soo baxaan warar ku saabsan isku shaandhayn uu madaxweyne Muuse Biixi xukuumadiisa ku sameeyo balse ilaa hada may soo bixin mid taabanaysay waxyaabaha laga filayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here