Madaxweynaha Kenya Oo Xidhay Ciwaanadii Uu Ku Lahaa Baraha Bulshada Iyo Sababta Ku Dhalisay

0
536
Incumbent President Uhuru Kenyatta speaks after he was announced winner of the presidential election at the IEBC National Tallying centre at the Bomas of Kenya, in Nairobi, Kenya August 11, 2017. REUTERS/Thomas Mukoya - RTS1BEZ4

Madaxweynaha Kenya Oo Xidhay Ciwaanadii Uu Ku Lahaa Baraha Bulshada Iyo Sababta Ku Dhalisay

Madaxweynaha dalka Kenaya Uhuru Kenyatta ayaa xidhay ciwaannadiisii baraha bulshada ka dib markii uu ruux aan loo fasixin galay ciwaannada, sida uu Twitterka ku soo qoray agaasimahiisa.

Nzioka Waita ayaan wax faahfaahin ah ka bixin waxa dhacay, balse wuxuu sheegay in ay khadka ku soo noqon doonaan “ka dib marka la saxo waxa khaldan”.

Twitterkaas waxaa ku qoran “haddii aad musuqmaasuq ku jirto waan kula dagaalamaynaa,xataa haddaad tahay walaalkay, walaashay ama siyaasiga iigu dhaw oo musuqmaasuq ku jira waan kula dagaalamaynaa”.

Wargayska oo sii daba socda erayga ah siyaasiga iigu dhaw ayaa sheegay in laga yaabo in uu ka wado madaxweyne ku xigeenkiisa William Ruto.

Taageerayaasha Ruto ayaa Kenyatta ku dhaliilay dagaalka u dambeeyay ee ka dhanka ah musuqmaasuqa, kaas oo horseeday in la xirxiro oo su’aalo la waydiiyo masuuliyiin sarsare oo dawladda ka tirsan, waxayna sheegeen in ay tahay arrin aan waxba ka jirin oo uu ugu marmarsoonayo ku xigeenkiisa.

Dadkaas ayaa sheegay in la bartilmaameedsanayo dadka loo arko in ay u dhadhaw yihiin Ruto.

Source:-BBCsomali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here