Marka Aad Jeclaato Gabar Wariye Ah.. Ku Baraarug 10-qodob oo Muhiim Ay Tahay Inaad Ogaato

0
1067

Marka Aad Jeclaato Gabar Wariye Ah.. Ku Baraarug 10-qodob oo Muhiim Ay Tahay Inaad Ogaato

Gabadhu marka ay go’aansato iney saxaafadda ka shaqeyso waxey ka gudubtaa caqabado badan oo hortaagnaa sannooyin badan, si ay meel wanaagsan uga gaarto saaxaafadda dhib badan ayey ka martaa, markaa haddii aad dooneyso inaad xiriir jacayl la yeelato saxafiyad waa in 10  qodob aad marka hore sii ogaataa, si aad hadhow adkeysigeeda aad u yeelato.

  1. Haddii aad khiyaanto wey ku shaacineysaa

Haddii aad tahay qof xiriirro badan sameeya ka fogow dumarka saaxafadda ka shaqeeya, dabeecad ahaan waxey jeceshahay iney noqoto marwada koowaad iyo tan ugu dambeysa, marka ay ogaato inaad khiyaameyso, wax kale kuma fakareyso iney kaa aargoosato mooyaane.

2- Warkaaga wey helaysaa

Gabadha saxafiyadda ah waxey dareentaa dhacdooyinka inta aaney dhicin ka hor oo ay sii saadaalisaa, iyadoo isku xiraysa dhacdooyinku sida ay u dhacayaan isla markaana taqaanna habka faahfaahinta loo raadiyo, markaa si kasta oo aad warkaaga u qariso wey soo helaysaa.

3- Maskaxdeedu waa raadeer

Shaqadeeda ayaa ka dhigeysa iney yeelato xasiis awood badan oo ay ku kaydin karto faahfaahinnada ugu yaryar, xitaa arrimaha yaryar ee aan agtaada qiimo ka lahayn iyada wey u tirsan yahay oo u keydsan yihiin.

4- Waqti ay maacuunta guri ku dhaqdo ma helayso.

Shirarka ay ka qeybgaleyso, shaqadeeda iyo doodaha saxafiyiinta ay ka qeyb tahay, arrimahaas oo dhan waxey keenayaan iney guriga timaaddo iyadoo daallan oo raadineysa meel ay dhinaca dhigto si ay xoogaa nasho ah u qaadato subixiinna ay u kallahdo, halkan waa inaad qadarin karto qiimaha shaqadeeda adag markaa iney maacuunta dhaqdo fursad uma hayso.

5- Ilaheeda wararka ayaa hortabinta u leh

Arrimaha ay muhiimadda weyn weyso waxaa ka mid ah ilo wareedyadeeda gaarka ah, markaa waxaad ogaato inaadan muhiimadda koowaad lahayn.

6- Waxwalba iyadaa gacanta ku haysa

Gabadha saxifiyadda ah meel sare ayey bulshada kaga jirtaa dadka oo dhanna waxey u hayaan ixtiraam iyo qadarin, marka ay adiga meel kula joogto dadka oo dhan ayaa indhaha ku haya, markaa waxaad arkeysaa iney dad badan doonayaan iney salaamaan, markaa dhib ha u arkin.

7- Waxey doonto waa iney horey ka heshaa

Shaqo walba oo loo dhiibo dhanka saaxaafadda waxey caadaysatay iney ka soo dhalaasho, sidaa darteed; shaygan lama fulin karo, lama heli karo kama dhaadhaceyso oo waxey soo baratay in wax mustaxiil la yiraahdo aanuu agteeda ka jirin, sidaa darteed; kaama qaadaneyso inaad codsigeeda u fulin weydo.

8- Kama fileysid iney guriga ku nagaato

Waxey la qabsatay iney waddooyinka lugeyso si ay u hesho war ama shay soo jiidashada ah oo ay ka sameyso shaeekadeeda gaarka ah, markaa kuma khasbeysid iney guriga ku sugnaato xitaa xilliyada fasaxa guriga kuma nagaato.

9- Iska illow inaad adigu guriga ka taliso

Ka hadalka tirada badan ee sinnaanta ragga iyo dumarka iyo tabinta shirarka dumarka ayaa waxaa uu ka dhigayaa iney aaminto in kaalinteedu aanuu ka hooseyn kaalinta ragga ee dhanka bulshada markaa ogow inaadan taliye ka noqoneyn kaligaa guriga ee xilkaaa lagula qabsanayo.

10- Xiriirkeeda bulshada marna ma soo koobi kartid

Gabadha saxifadda ah dad badan ayey xiriir la leedahay oo walaaltinimo iyo shaqo ay ka dhaxeysaa, markaa kuuma suurtaggal aha inaad soo koobto, markaa haddii aad tahay qof maseyr badan ha isku dayin inaad is bedesho, taa bedelkeeda waxaa kuu fudud inaad iska dheeraato oo aadan marka horeba u soo haqal taagin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here