Soomaaliya oo ka mid noqotay wadamada kaalimaha hore ka galay xadgudub-ka loo geesto Haweenka

0
988

Soomaaliya oo ka mid noqotay wadamada kaalimaha hore ka galay xadgudub-ka loo geesto Haweenka

Iyadoo guud ahaan wadamada caalamka looga dabaal degay maalintii Jimcaha oo Taariikh-da ku beegneyd 8-da bisha Maarso maalinta haweenka aduunka, ayaa hey,adaha u dooda xuquuqda dumarka waxay walaac ka muujiyeen dhibaatada heysata dumarka caalamka.

Dhibaatada ugu daran ee heysata haweenka ayaa lagu shegay in ay tahay kufsiga jirdilka iyo in qaarkood lagu qasbo in ay ubad dhalaan iyaga oo aan gaarin.

Dalalkaan ayaa waxaa sanad waliba ka dhaca kufsi loo geesto dumarka gaar ahaan kuwa da,dooda ka hooseyso 15 jirka ee aan qaan gaarka aheyn.

Dalka ku yaal koonfurta aasiya ee Hindiya oo ka mid wadan xadaarad ahaan iyo dhaqaale ahaan hormaraya ayaa kaalinta hore ka galay dhibaatada loo geesto haweenka.

Wadamada Afghanistaan Suuriya soomaaliya iyo sacuudiga ayaa iyagana ka mid ah dalalka ugu horeeya oo ay ku sii baahayaan xadgudubka haweenka.

Si kastaba ha ahaatee xuska maalinta haweenka aduunka ayaa sanadkaan hal ku dhigiisu ahaa ka hortaga dhibaatada loo geesto Dumarka.

Magaalada Gaalkacyo ee qeybta ismaamulka Puntland ayaa bishii hore waxaa kufsi iyo dil loogu geestay gabar 10 jir aheyd taasi oo dhalisay carada Bulshada soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here