Mudaharaadyo horleh oo ka soo cusboonaaday dalka Itoobiya

0
554

Mudaharaadyo horleh oo ka soo cusboonaaday dalka Itoobiya

Mudaharaadyo horleh oo ay qowmiyadda Oromada kaga soo horjeeddo dowladda Itoobiya ayaa maalintiisa afaard ka socda dalkaasi.

Mudaharaadkan oo Arbacdi billaawday ayaa wuxuu ku billaawday magaalada Addis Ababa wuxuu ku sii fiday dalka intiisa kale.

Gaar ahaanna waxay mudaharaadyadu ka socdaan magaalooyinka waaweyn ee deegaanka Oromada oo ah deegaanka ay ku nool ku nool yihiin qowmiyadda ugu badan.

Magaalooyinka ay ka socdaan Mudaharaadada xooggan waxaa ka mid ah Amb, Naqamte, Adaama, Asala, Gobba, Shaashamane, Roobee iyo magaalooyin kale.

.Lahaanshaha sawirkaETHIOPIA LIVE UPDATE
Image captionMudaharaadayaal dowladda Itoobiya ka soo horjeeda

Warbixintan oo aan ka soo xiganna wargeyska Addis Standard oo ka soo baxa magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya iney mudaharaadyadu ka billaawdeen 51,000 oo guri oo ay dowladda ka dhistay gudaha iyo hareeraha magaalada Addis Ababa oo Axadda bakhtiyaa nasiib looga wareejiyey dadki nasiibka u yeeshay.

Qowmiyadda Oromadana waxay ka cabaneysaa in guriyaha laga dhisay dhul beereed ay qowmiyadda Oromada leedahay iney xaq u lahyn dadka kale ee Itoobiyaanka ah ee ku nool caasimadda iney la wadaagaan guriyahaasi.

 

Duqa maamulka magaalada Addis Ababa Injineer Taakele Kuma oo ka jawaabaya cabashada dadka mudaharaadaya ayaa sheegay “in guriyaha laga dhisay dhul uu maamulo maamulka magaalada Addis Ababa shucuubta Itoobiya ee ku nool magaalada oo dhan ay xaq u leeyihiin iney ka wada faa’ideystaan”.

“Wuixi cabasho intaa ka baxsanna uu maamulkiisa diyaar u yahay inuu qaabilo cid kasta oo cabasha sharci qabta”.

.Lahaanshaha sawirkaETHIOPIA LIVE UPDATE
Image captionMudahaaradayaal iyo boolis is hortaagan

Maalinta barri ahna mudaharaadayaashu waxay u ballansan yihiin iney mudaharaad kuwi hore ka ballaadhan ay ka sameeyaan fagaaraha weyn ee Abiyoot oo ku yaalla bartamaha magaalada Addis Ababa.

.Lahaanshaha sawirkaFANA
Image captionPrime Minister Office of Ethiopia Logo

Telefishiinka FANA oo soo xiganaya xafiiska Ra’isal wasaaraha Itoobiya ayaa baahiyey iney golaha wasiirrada dalkaasi ay shir degdeg ah ka yeesheen mudaharaadyadana cusub ee dalka ka socda sidi xal ooga heli lahaa isla-markaana la dhisay guddi heer qaran ah oo xalliyo khilaafka dhulka ee u dhaxeeya maamulka Addis Ababa iyo Deegaanka Oromada.

.Lahaanshaha sawirkaETHIOPIA LIVE UPDATE
Image captionMudaharaadayaal deeganka oromada ah

Qowmiyadda Oromada oo aaminsaneeyd marka uu hoggaaminta dalka uu qabto nin u dhashay qowmiyadda Oromada in la xallin doono dhibaatooyinka ay qowmiyadda ka cabaneyso ay xaaladdu wax iska beddelin taasoo keentay iney mudaharaadayaasha magaalooyinka qaarkood ayba ku dhawaaqaan ha is casilo ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed iyo xukumaddiisaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here