Qasaare Nafeed oo ka dhashay weerar lagu qaaday xarun lagu dabiibo cudurka Ebola oo ku taal Congo

0
633

Qasaare Nafeed oo ka dhashay weerar lagu qaaday xarun lagu dabiibo cudurka Ebola oo ku taal Congo

Kooxo hubeysan ayaa markale weerar ku qaaday xarun caafimaad oo lagu dabiibo cudurka Ebola oo ku taal bariga Congo sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan dowlada.

Weerarkaan ayaa waxaa ku dhintay sargaal ka tirsanaa booliska halka howl wadeen caafimaad uu dhaawac ka soo gaaray.

Xaruntaan oo dhacda magaalada Butembu ee waqooyiga Kivu ayaa dib loo furay mudo isbuuc kadib weeraro horay loogu qaaday taasi oo dhalisay in albaabada loo laabo.

Ciidamada amniga ayaa dib u caabiyay dableyda weerarka soo qaaday sida uu u sheegay wakaalada wararka ee Reuters iyo AP u sheegay Sylvain Kanyamanda, oo goob joog u ahaa dhacdadàn.

Dhanka kale saraakiisha amniga ayaa ku eedeeyay weerarkaan in ay ka danbeyso kooxda Mai-Mai ee ka dagaalanta waqooyiga Kivu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here