Ciidamada Puntland oo hawlgal dad lagu qabtay ka sameeyay Waqooyiga Gaalkacyo

0
571

Ciidamada Puntland oo hawlgal dad lagu qabtay ka sameeyay Waqooyiga Gaalkacyo

Ciidamada Booliska Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay hawlgallo kala duwan ka sameeyeen Xaafadaha ay ka kooban tahay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Hawlgalka ayaa ka dambeeyey kadib markii Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ay ku soo kordheen falal lidi ku ah dhinaca Amniga, waxaana howlgalka lagu fuliyey lagu soo qab qabtay dad dhalinyaro u badan.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Cismaan Xasan Cowke oo Warbaahinta la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in howlgalkaas ay ku soo qabteen illaa 70 Ruux oo Dhalinyaro u badan, kuwaas oo uu sheegay inay Magaalada ka wadeen falal amnidarro.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dhalinyaradaas ay ahaayeen kuwo la baxay magacyo kala duwan, islamarkaana watay hubka fudud sida tooreeyda iskuna dilayeen.

Dhawaan ayaa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo waxaa la geeyey Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland, kuwaas oo laga keenay gobolka Sool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here