Maxkamad ku taal Magaalada Garbahaarey oo xukun dil ah ku fulisay nin lagu eedeeyay fal kufsi ah

0
790

Maxkamad ku taal Magaalada Garbahaarey oo xukun dil ah ku fulisay nin lagu eedeeyay fal kufsi ah

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo Maxkamada degmadaas ayaa xukun dil ah ku fulisay Nin lagu eedeeyey in uu kufsi u geystay Gabar yar kadibna uu dilay.

Ninka Xukunka dilka ah lagu fuliyay oo lagu Magacaabi jiray Maxamuud Cali Xaamud ayaa da’diisa lagu sheegay 32 Jir, waxaana maalma  ka hor lagu xukumay dil toogasho,islamarkaana Maanta oo Talaado ah lagu fuliyey.

Guddoomiyaha Maxkamada degmada Garbahaareey ayaa horay u sheegay in nin kaasi falka kufsiga ah uu qirtay sidaasna ay xukunka dilka ah ugu fuliyeen,waxaana tallaabadaas aad u soo dhaweeyay Bulshada Garbahaareey.

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa xilli dhawaan Magalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug qeybta Puntland lagu kufsaday laguna dilay Gabar lagu Magacaab ijiray Caaisho Ilyaas Aadan falkaas oo laamaha Amiga Puntland ay sheegeen inay dad u qabteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here