Maxaad ka taqaannaa magacyadii Soomaalidu u taqaannay bilaha?

0
1236

Maxaad ka taqaannaa magacyadii Soomaalidu u taqaannay bilaha?

Waxaa jira bilo Af Soomaali ah oo magacyadooda aan luuqado qalaad laga soo minguurinin, balse isticmaalka bilahaas ayaa meesha ka sii baxaya.

Bilahan af Soomaaliga ah ayaa salka ku haya noloshii baadiyaha ee roobabku ay udub dhexaadka u ahaayeen nolosha oo dhan.

Soomaalidii hore waxay biluhu ugu kala qaybsanaayeen afarta xilli ee kala ah Guga, Dayrta , jiilaalka iyo Xagaaga, sida uu BBC-da u sheegay dhaqanyaqaan Mawliid Aadan Biixi.

Labo iyo tobanka bilood iyo sidii ay Soomaalida ugu kala qaybsanayd:

Gugu wuxuu ka kooban yahay saddex bilood oo kala ah seermawaydo, Dirirka Cawleed iyo Dirir Shakaal ah.

Xagaaga oo ku xigana wuxuu ka kooban yahay, Samo leh, Karan iyo Waranweer.

Dayr waxay ka kooban tahay, Dayr halalood, Dayr gudban iyo Dambarsame.

Jiilaalka ayaa isna ka kooban Xays, todob iyo Diraac, sidaas waxaa waraysi uu BBC-da siiyay ku sheegay dhaqanyaqaan Mawliid.

Inkastoo bilahaasi ay ahaayeen kuwo aad caan uga ahaa haddana Soomaalida casriga ah waxay ka doorbidday in ay bilo af qalaad ah soo ergistaan, kuwaas oo ah kuwa ilaa maanta la adeegsado ee Janaayo, Feebaraayo, Maajo ilaa iyo bisha 12 ee Disembar.

Mawliid oo dib u milic sanaya sida ay roobabku ahmiyadda ugu lahaayeen bulshada Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay magacyo badan oo kala duwan u yaqaanneen roobabka waawayn, kuwa dhexe iyo kuwa yaryar.

Magacyada Roobabka waawayn:

Mayay: wuxuu da’aa aroortii, inta baddanna unkad iyo hilaac ma yeesho.

Mahiigaan: xilli gaar ah ma sheego haddiise uu roobku da’o wakhti dheer oo shan saac ama lix saac ah sidaa ayuu mahiigaan ku noqdaa.

Gudgudaha: Bisha u dambaysa ee Guga ayuu da’aa, shanta ayuu billowdaa wuxuuna da’aa ilaa saq dhexe ama waagu inta uu ka baryayo.

Dirirka waa roobka guud ee da’a Guga, dirikuna waa xidig ay Soomaalidu jeceshay oo waxay dhahaan Illaahoow Dirirka dayaxa noogu beeg, oo waxay rumaysan yihiin in haddii labadoodu ay kulmaan la helo roobab lagu nasto, ayuu yiri Mawliid.

Hoos ka dhagayso waraysiga dhaqanyaqaan Mawliid Aadan Biixi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here