Madaxweyne Afrikan ah oo Wiilkiisa u Magacaabay Taliyaha ugu sareeya ciidanka Militaga

0
703

Madaxweyne Afrikan ah oo Wiilkiisa u Magacaabay Taliyaha ugu sareeya ciidanka Militaga

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa wilkiisa u magacaabay xilka labaad ee ugu sarreeyo militariga dalkaasi.

Janaraal Kainerugaba Muhoozi ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay qofka baddali doono aabihiis Yoweri Museven oo 81 jir ah balse waxaa uu beeniyay inuu damacsan yahay inuu ku biro siyaasadda.

Lixdii sano ee ugu dambeeysay,Janaraal Muhoozi waxaa la dalacsiiyay ilaa saddex jeer, hadda waxaa loo magacaabay ninka labaad ee ugu sarreeyo militariga Uganda, waxaa hadda ka sarreeyaa oo kaliya ah aabihiis Yoweri Museveni oo ah madaxa ciidammada qalabka sida.

Tan iyo sanadkii 2017-kii, waxaa uu ahaa la taliyaha madaxweynaha dhanka howlgalada gaarka ah.

Waxaa sidoo kale xilalka la dalacsiiyay in ka badan 2,000 sarkaal oo ka ag dhaw janaraal Muhoozi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here