Dhaxal sugaha Sacuudiga oo lagu wado in uu booqdo dalka Hindiya

0
598

Dhaxal sugaha Sacuudiga oo lagu wado in uu booqdo dalka Hindiya

Dhaxal sugaha sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo booqasho laba maalin ah ku joogay magaalada caasimada ah ee Islamabad ee dalka Pakistaan ayaa lagu wadaa in uu booqdo wadanka Hindiya oo daris la ah Pakistaan.

Mr Salmaan ayaa kulamo kula qaadan doono magaalada New Delhi Ra,isul wasaaraha Hindiya Nyendra Modi si uu kala hadlo xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee Sacuudiga iyo Hindiya.

Waxyaabaha labada hogaamiye ay ka wada hadli doonaan ayaa waxaa ka mid ah iskaashiga dhanka Ganacsiga maalgalin uu sacuudiga ku sameynayo Hindiya heshiis dhanka difaaca iyo amniga iyo la dagaalanka Argagixisada.

Shalay ayey aheyd markii heshiis ganacsi oo ku kacaya 20 billion uu sacuudiga la galay xukuumada Pakistaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here